U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Ee Gobolka Hiiraan Oo Ka Warbixiyey Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Halgan

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey khasaarihii ka dhashay dagaal khamiistii ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan kaas oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Korneel Tawane Axmed Gurey oo ah taliyaha guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta uga warbixiyey khasaaraha inta uu la egyahay, waxaana uu sheegay in khasaare xooggan ay soo gaarsiiyeen Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ay guul ka gaareen dagaalkaasi, khasaarena ay gaarsiiyeen ciidankii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday, kana qabsadeen hub iyo saanad kale oo ciidan.

Tawane ayaa sheegay inay dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, dhankoodana waxa uu ka gaabsaday in uu sheego khasaaraha soo gaaray inta uu la egyahay, balse waxa uu xaqiijiyey in shacab ku dhaqanaa deegaankaasi uu dagaalkan khasaare kasoo gaaray.

“Al-shabaab ayaa xilli salad subax ah 9-kii bishan waxay Al-shabaab kusoo duuleen baro ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen deegaanka Halgan, waxaa dhacay dagaal culus oo soconayey saacado badan, wax la iskula haray ma jiraan, guusha waxaa helay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya, cadowga dhibaato ayaa loo geystay, khasaaraha cadowga waxaa soo gaaray 245 Askari, hub badan ayaa laga qabtay, noocyada hubka aan ka qabanay RBJ 7 waxaan ka qabannay 13 qoray iyo 35 baalooto oo gantaallo ah, PKM waxaan ka qabannay 15, 120 qoray oo AK-47 ah, Bambooyin, B10 rasaastiisa iyo hub kale, waxaa kuwa dhintay ku jiray ajaaniib caddaan iyo madow intaba leh” ayuu yiri taliyaha.

Taliye Tawane ayaa dhinaca kale sheegay in dagaalyahannada ay ka dileen Al-shabaab ay ku jiraan saraakiil balse ay baaritaan ku wadaan.

Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda waxay sheegeen in khasaare dhimasho ay soo gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka, waxaana ay waxbo kama jiraan ku sheegeen khasaaraha la sheegay inuu kasoo gaaray dagaalkaasi.

Goobjoog News