U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Bixiyey Amarro Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta bixiyey amar cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Daahir Aadan Cilmo oo ah taliyaha ciidanka xoogga dalka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in aanay wax naxariis ah u sameyn doonin Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in aysan xabsi geyn doonin Al-shabaabka ay kusoo qabtaan howlgallada, islamarkaana ay meeshiisa ku toogan doonaan.

Wuxuu tilmaamay in fursado badan ay siiyeen dhallinyarada ka midka ah Al-shabaab hase ahaatee maanta wixii ka dambeeya ay toogan doonaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News