U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Sheegay In 80 Al-shabaab Ah Ku Dileen Hiiraan

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ee ay ka sameeyeen gobolka Hiiraan ku dileen 80 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Jeneraal Maxamed Axmed oo ah taliyaha guutada 52-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalladaasi oo socday Afartii bil ee lasoo dhaafay ku dileen in ka badan 80 Al-shabaab ah, sidoo kalena khasaare kala soo gaarsiiyeen dagaalyahannadaasi.

“Howlgallada wey socdaan weyna socon doonaa, mar walbo waan ka jawaabeynaa awaamiirta ay madaxdeenna qaranka ina siiyaan, dagaalkii ka dhacay 1-dii bishan deegaanka Moqokori waxay ka gaareen guullo waaweyn, argagaxisada jab weyn ayaa halkaasi ku gaaray, xeelad ayaana hadda looga soo baxay Moqokori” ayuu yiri Taliyaha.

Sidoo kale, Taliye Tareedishe ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay cagta saari doonaan deegaan walbo oo gobolka Hiiraan ay kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Dhanka Al-shabaab kama aanay hadal khasaarahan la sheegay in dhankooda uu soo gaaray Afartii bil ee ugu dambeysay.

Dagaallo u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyey ka dhacay deegaano ku dhow deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.