U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Sheegay In Gobollada Dhexe Ka Bilaabayaan Howlgallo Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ee dowladda federaalka Jeneraal Cali Baashir Maxamed Xaaji Cumar ayaa magaalada Cadaado ka sheegay in dhowaan ciidamadu ay qaadi doonaan tallaabo adag oo ku aadan dhulka ay weli maamulayso Xarakada Alshabaab.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay u jiheyn doonaan degaannada ay ku sugan yihiin Alshabaab isagoo tilmaamay in saraakiisha iyo ciidamadaba ay qaban doonaa degaannada ka maqan gacantooda.

Abaanduulaha ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii ciidanku ku heli lahaa taageero fiican si Alshabaab dagaal loogu qaado.

“Waan ogahay xaaladda aad soo marteen, inta aad soo halgamayseen waa la socdaa sida la idiin abaabulay xataa sida aad u hubeysan tihiin waxaa ay qeyb ka tahay abaabulka fiican waana muhiim in aan ka faa’iideysanno” ayuu yiri abaanduulaha.

Abaanduulaha ayaa sheegay in ciidamadani ku sugan magaalada Cadaado ay ku sugan yihiin meel wanaagsan oo ay ka weerari karaan dagaalyahannada ALshabaab.

“Cadow ayaa dalka ku sugan meelo kamid ah, aaggan ayaa ugu muhiimsan meesha laga qabanayo howlgalkani, waxaan idin ku wargalinayaa in dagaal la qaadi doono, saraakiishii hore ee ciidanka ayaana idin hoggaamin doonta” ayuu yiri Abaanduulaha.

Abaanduulaha ciidanka dowladda federalka Jeneraal Cali Baashir Maxamed ayaa sheegay in dhowaan magaalada Cadaado ay tegi doonaan kuwaas oo ciidanka arrimaha dagaalka ka caawin doonaan.

Xarakada Alshabaab ayaa weli ku sugan degaanno ay kamid yihiin Xarardheere iyo bariga gobolka Galgaduud ee gobollada Galmudug.

Goobjoog News