U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Sheegay Iney Isku Fureen Muqdisho Iyo Marka

Sheeko:Amniga

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose isugu fureen wadada xeebta ah ee Muqdisho iyo Marka.

Sarreeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo ah abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa isaga oo la hadlay raadiyaha ku hadlay Afka ciidanka qalabka sida wuxuu sheegay in ciidamadu ay sameeyeen howlgallo ay shacabka Soomaaliyeed uga dulqaadayeen Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay Abaanduulaha in sidoo kale ay dhammaatay dhibaato uu sheegay in Al-shabaab ku hayn jireen dadka ku safra wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka.

Sidoo kale abaanduule Odowaa ayaa sheegay in qorshaha ciidanka xoogga dalka uu yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa dhammaan meelaha ay kaga sugan yihiin gobollada dalka.

Goobjoog News