U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Taageeraya Shacabka La Dagaallamaya Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay taageero buuxdo siinayaan shacabka billaabay iney la dagaallamaan Xarakada Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe) ayaa sheegay in shacabka ay u adkeysan waayeen dhibaatada Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed u qorsheysan tahay in sanadka soo socda dalka oo dhan ka saaraan Al-shabaab.

“Waxaan ballanqaadnay inaan Labo jibbaarno dagaalladii iyo howlgalkii ka dhanka ahaa Al-shabaab, islamarkaana taageerno shacabka Soomaaliyeed ee raba in dulliga iska qaadaan, ciidanka xoogga dalka waxaa u qorsheysan in sanadka soo socda iyo sanadkaan inta ka harsan ay dalka ka xoreeyaan nimankaan nabad diidka ah ee dalka dhibka ku haya” ayuu yiri taliyaha.

Shacab u dhaqan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa bilaabay iney la dagaallamaan Al-shabaab, iyadoo weli xiisad Labada dhinac u dhaxeyso halkaasi laga soo sheegayo.

Goobjoog News