U bood dhigaalka

Taliska CXD Oo Ka Hadlay Odayaal Ku Xiran Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo wax-garadka kasoo jeeda Galmudug ayaa dedaallo xooggan ugu jira sidii ay xorriyaddooda u heli lahaayeen ku dhawaad 60 Qof oo u badan Odayaal, kuwaas oo ay Xarakada  Al-Shabaab la sheegay in Maalmo ka hor ka Af-duubteen degaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf ayaa sheegay in odayaashaasi wadashada Alshabaab ay maqleen afartii bishani.

Taliyaha howl-gallada qaybta 21aad, ee CXD Soomaaliyeed G/dhexe C/qaadir Maxamed Cartan, oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka wuxuu sheegay in ay socdaan qorshayaal ay ku doonayaan in dadkaasi ay ku soo sii daayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Lama oga sababta ka dambeeysa falkaasi, illaa iminkana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Alshabaab oo lagaga hadlay arrinta waxgaradkani.

Goobjoog News