U bood dhigaalka

Taliska Degmada Jalalaqsi Oo Sheegay In 7 Sanno Aysan Wax Mushaara Qaadan

Sheeko:Amniga

Taliyaha degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan Cismaan Cabdi Xasan oo u wawaramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidanka ka howlgalla degmadaasi aysan wax mushaara qaadan muddo ku siman 7 sanno.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in ciidanka jooga degmada ay marwalba u taaganyihiin difaaca degmadooda waxa uuna xusay in tan iyo 2014-kii aysan dowladda federaalka ka helin xuquuqdii ay ku lahaayeen sida uu sheegay.

“Daruufo badan ayey ku suganyihiin ciidanka Jalalaqsi muddo ku siman 7 sanno wax xuquuqa ma aanaan helin 2014-kii ayey soo baxeen ciidanku wali wax mushaara ma aysan helin, waxa ayna ku jiraan difaaca deegaanadooda” ayuu yiri Cismaan Cabdi Xasan oo ah taliyaha degmada Jalalaqsi.

Sidoo kale taliyahan ayaa tilmaamay in dhinaca maamulka Hirshabeelle aysan waxba ka helin waxa uuna ka dhawaajiyay in ciidanka ku sugan degmadiisa ay hoostagaan dowladda federaalka Soomaliya oo looga baahanyahay bixinta xuquuqda ciidanka.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa ku faanta in ay bixiso dhamaan mushaaraadka ciidanka dowladda waxaana isi soo taraya hadalada kala duwan ee ka imaanaya saraakiisha ciidanka ee ku aadan in qaarkood aysan helin xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News