U bood dhigaalka

Taliska Gobolka Hiiraan “Dib Ayaan Ugu laaban Doonnaa Degaannaddii Laga Soo Baxay”

Sheeko:Dalka

Col. Tawane Axmed oo ah taliyaha ciidanka dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay ka bixitaanka ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen degaanno ka tirsan gobolkaasi.

Degaannadii ay ciidamada ka soo baxeen waxaa kamid ah Moqokori, Ceelceli iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka dowladda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in degaannadii dhowaan la soo faarujiyay ay dib ugu laaban doonaan iyagoo adeegsanaya gaadiid dagaal iyo agab kale oo ciidan oo dhanka dowladda uga yimid.

“Waxaan maqlayay in dadka qaar ay dhahayaan ciidamada ayaa baxay iyo cadowgii ayaa soo dhow war waxaas iska dhaaf, ciidamadii dowladda ayaa jooga iyagaana difaacayay waligood haddana tallaabo degdeg ah ayaa ciidamada qaadayaan maxaa yeelay ciidamada iyaga ayaa ku fulin” ayuu yiri taliyaha guutada 10-aad ee ciidanka.

Dhanka kale, taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya Tawane Axmed ayaa sheegay in howlgallo ciidan ay ka billaabi doonaan degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in howsha howlgallada ay fududeyn doonaan agabkani ciidan.

Degaanno ka tirsan gobollada Koonfureed iyo kuwa bartamaha Soomaaliya weli ka muuqda ku tiirsanaanta ciidamada AMISOM ee ka socda dhowrka dal kuwaas oo ciidanka dowladda ku garabsiinaya la dagaalanka ALshabaab iyo ku sii sugnaanta degaannada ay qabtaan.

Goobjoog News