U bood dhigaalka

Taliska Xoogga Dalka oo Sheegay in Gacanta Lagu Dhigay Qaraxyo

Sheeko:Amniga

Taliska ciidamada Militariga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay  ka fuliyeen  tuulooyin ku dhow degaanka Janaale ee gobolka Shabellada Hoose,waxaa ay ku sheegeen  in howlgalkaas ay kusoo qabteen qaraxyo lagu diyaarinayay duleedka janaale.

Taliyaha ciidanka dhulka Janeral C/Xamiid Maxamuud Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Howlgal ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen Janaale ay lagu soo qabtay qaraxyo ay Al-Shabaab doonayeen inay ku Aasaan wadada u dhaxeysa Janaale iyo tuulada Urunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha waxaa uu sheegay in howlgalkaas ay sidoo kale ku dileen 13 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab isla markaana ay sidoo kale bururiyeen Xarumo ay ku diyaarin jireen qaraxyada waa sida uu hadalka u dhigay taliyaha ciidamada dhulka xoogga dalka Cabdixamiid Maxamuud Dirir.

Goobjoog News