U bood dhigaalka

Taliskii Ciidamada Cirka Soomaaliya oo Dib Loo Furey

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta dib loo furey taliskii ciidamada cirka Soomaaliya, waxaana xafiiska xarigga ka jaray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Cali Diini.

Xafiiskani oo ku yaala xaafadda Afisiyooni ee Muqdisho ayaa waxa uu ka hawlgali doonaa dhismaha ciidamada cirka Soomaaliya oo muddo 25 sano ka hor burburey.

Waxaa madasha ka hadlay Dable Beylood Maxamuud Sheekh oo sheegey in xarunta la furey ay toos u shaqeyn doonto wixii hadda ka dambeeya.

Dable Beylood waxa uu sheegey in labadii sano ee lasoo dhaafay ay ku shaqeynayeen mid ka mid ah guryaha saraakiisha, ayna ku faraxsanyihiin in taliskoodii ay dib ugu soo laabteen.

Soomaaliya ayaa waxa ay lahaan jirtey ciidamo cirka oo xoog badan iyo diyaarado dagaal, saldhigyo ciidamada cirka , waxayna ciidamadani mas’uul ka ahaayeen illaalinta hawada Soomaaliya.

Goobjoog News