U bood dhigaalka

Taliyaha Booliiska Marka "Waxaan Ognahay In Al-shabaab Ay Ku Sugan Yihiin Marka" (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

MarkaTaliska ciidamada Boliiska ee magaalada Marka ayaa sheegay in ay la socdaan in magaaladaasi ay ku sugan yihiin rag ka mid ah Xarakada Al-shabaab.

Taliyaha saldhigaasi Cabdi Nuur Isaaq Xuseen oo Wareysi Siiyay Goobjoog Fm ayaa sheegay in halkaasi ay ku joogaan ogaanshiyaha Rag ka mid ah Al-shababa oo degmadaasi jooga.

“Al-shabaab inuu joogo waan ognahay, Maleeshiyo inay joogto waan ognahay, in lagu dagaalamayo meesha waan ognahay, laakiinse awoodii waxaas oo dhan ku xakameen lahayn malihin” ayuu yiri taliyaha.

Dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay in dhibaatooyin ay soo gaareen dadka shacabka ah, ka dib markii AMISOM ay rasaas fureen, sidoo kalena ay jirto qasaare hantiyadeed.

Magaalada Marka amaan ahaan aad bay u liidataa, waxaana jira ciidamada AMISOM waxyeelo daran oo ay soo gaarsiiyeen dad shacab ah, kuwaa oo qaarkood Isbitaalada Muqdisho loo soo qaaday.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News