U bood dhigaalka

Taliyaha Booliiska Puntland Oo Digniin u Diray Shacabka Ku Nool Magaalada Qardho

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf oo kormeer ku tagay xarumaha ciidamada Booliiska ee deegaanada maamulkaasi ka arrimiyo ayaa sheegay in ay wadaan ka talis ahaan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa ciidamada Booliiska, isaga oo dhanka kale digniin u diray shacabka ku dhaqan magaalada Qardho.

Taliyaha oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in uu tagay meelo badan oo ka mid ah gobalada Karkaar iyo Mudug, sidoo kalena uu ku wajahan yahay saldhigyo kale.

Waxa uu tilmaamay Taliyaha Booliiska Puntland in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono ciidamada maamulkaasi, gaar ahaan kuwa Booliiska.

Tababarro ayuu sheegay in lasiin doono guud ahaan ciidamada Puntland, islamarkaana ciidan walba lagu tababari doono goob aan ahayn meelaha ay ka howlgalaan.

“Ciidamada Booliiska Puntland waxaan ku sameynaynaa dib u habeyn ballaaran, waxaana wadnaa qorshe lagu tababarayo, guud ahaan ciidamada Booliiska waxay noqon doonaan kuwo aqoontooda sareyso, waxaana tagi doonaa meel walba oo ay joogaan ciidamada Booliiska Puntland, Laba Bil ka dib waxaan iska wareysan donnaa ciidan ka duwan midka hadda jooga” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland Jeneraal Afgaduud ayaa digniin u diray shacabka ku dhaqan degmada Qardho, waxaana uu uga digay in ay jaraan dhirta oo uu sheegay in halkaasi muddiyinkii ugu dambeysa kusoo badaneysay.

“Waxaan dadka Qardho ku nool aan digniin kama dambeys ah ka siinayaan shidista Dhirta ee Dhuxusha laga dhigayo, walibana inta lasoo jaro magaalada dhexdeeda lagu foorneynayo, howshaasi farahaan halagala baxo ayaan leeyahay” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Puntland.

Jeneraal Afgaduud ayaa dhawaan xilka Taliyaha Booliiska Puntland la wareegay, waxaana durba uu billaabay dhaq dhaqaaq uu ku doonayo inuu ku hormariyo ciidamada uu taliyaha u yahay.

Goobjoog News