U bood dhigaalka

Taliyaha Booliiska Soomaaliya Oo Dalk Sudan u Tagay Xoojinta Xiriirka Labada Wadan (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wafdi la socday ayaa xalay xilli dambe gaaray magaalada Khartoum ee dalka Sudan, halkaasi oo booqasho Seddax maalin ah uga billaabatay.

Taliyaha ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka magaaladaasi, waxaana soo dhaweeyay saraakiil sarsare oo ka tirsan Booliiska dalka Sudan.

Mr Xaamud waxaa la socda saraakiil ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo la sheegay in ay horay wax ugu soo bartay dalka Sudan.

Taliyaha ayaa ulajeedka uu u tagay dalka Suudaan ku sheegay xoojinta xiriirka Labada dal ka dhaxeeya, isaga oo la kulmi doona saraakiil ciidan iyo madax kale.

004 003 002 001

Goobjoog News