U bood dhigaalka

Taliyaha Booliska Galmudug “Waxaan Diiwaangaliney Wax Ka Badan Kun Kiis Dacwadeed”

Sheeko:Dalka

Gaashaanle Sare Maxamuud Cilmi GulaafeTaliyaha Ciidamada Booliska ee Maamulka Galmudug Gaashaanle Sare Maxamuud Cilmi Gulaafe oo maanta ka hadlayay xuska 71 guurada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey waxqabadka booliska maamulkaasi.

Wuxuu sheegey in ay diiwaangaliyeen 1090 kiis dacwadeed, kuwaasi oo isugu jira dhamaan noocyada kala duwan ee dambiyada , dil, dhac, iyo waxyeelooyin kale.

Waxa uu sheegey in maxkamadda ay u gudbiyeen 730 dacwadood, halka 140 kiis oo kale lagu xaliyey hababka kale ee dhaqanka iyo qoysaska.

Xuska waxaa sidoo kale oo ka hadlay madaxweynaha Galmudug Cabdi Cawaale Qeybdiid oo isagu horey usoo ahaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“”Ciidan Kasta oo Soomaaliya wuxuu ka yimid oo dhalay ciidanka booliiska, sidaas ayaana loo yiri hooyada ciidamada Soomaaliya” ayuu yiri Qeybdiid.

Qeybdiid ayaa u hambalyeeyey dhamaan askarta ciidamada booliska, min dable illaa kan ugu darajada sareeya iyo waliba qoysaskooda iyo caruurtooda.

 

Dhageyso

Goobjoog News