U bood dhigaalka

Taliyaha booliska gobolka Sh/hoose oo xilka la wareegay

Sheeko:Dalka

Munaasabad uu xilka kula wareegayo taliyaha cusub ee ciidamada booliska gobolka SHabeellaha hoose ayaa maanta lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in taliyaha cusub ee ciidamada booliska gobolkaasi gaashaanle sare Ismaaciil Axmed Cismaan uu xilka kala wareegay taliyihii hore ee booliska gobolkaasi Cabdi Ibraahim Shaamoow (Cabdi dheere).

Taliyihii hore ayaa sharaxaad ka bixiyay wax qabadka ciidamada booliska ee gobolka isaga oo xusay in dowladu aysan fulin codsiyo dhowr ah oo uu sheegay in uu gaarsiiyay kuwaasi oo ku aadan in ciidamada booliska la geeyo degmooyinka dhawaan ay dowladu la wareegtay ee gobolkaasi.