U bood dhigaalka

Taliyaha Booliska Soomaaliya Oo Cadaado U Gaaray Xiritaanka Ciidamo Dhameystay Tababar

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka booliska dowladda federaalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado.

Taliyaha ayaa magaalada Cadaado waxaa ku soo dhoweeyay madax iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo saraakiisha ciidanka booliska.

Safarka Taliyaha ciidanka booliska dowladda Jeneraal Xaamud ee Cadaado ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay xiritaanka tababar ciidan oo ciidamo boolis ah oo Galmudug ka tirsan Cadaado uga socday muddo ku siman afar bil.

Taliyaha Booliska Jeneraal Xaamud oo warbaahinta Cadaado kula hadlay ayaa sheegay in casuumaad ay ka heleen madaxweynaha Galmudug, islamarkaana socdaalkani uu qeyb ka yahay dardargelinta howlaha booliska ee dowlad goboleedyada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kaalin ku leh tababarrada ciidamada Booliska ee dowlad goboleedyada kuwaasoo tababar ciidan ku siisa degaannada ay ka taliyaan xeryo ciidan oo looga dhisay.

Horey degaannada Galmudug waxaa tababar sidaan oo kale loogu soo xirey boqolaal ciidamo ah oo maamulkaasi ka tirsan kuwaasoo dhameystay tababar ciidanimo oo ay wax ka siinayeen saraakiil booliska dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Goobjoog News