U bood dhigaalka

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo ka warbixiyay guulaha laga gaaray sugidda amniga dalka

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed: Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, S/guuto Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, ayaa tilmaamay in ciidamada Booliska Soomaaliya guulo waaweyn ay ka gaareen sugidda  amniga magaalada Muqdisho, kaddib markii ay qaadeen tallaabooyin lagu wiiqayo haraadiga kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya degmooyin ka tirsan Gobolka Benaadir.

Jeneraal Maxamed oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu xusay tan iyo markii uu la wareegay xilka hoggaanka taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed in ay sameeyeen howlgallo si taxadar ah loogu bartil-maameedsanayo Al-shabaab, isagoo xusay in taasi ay keentay weeraradii iyo dilalkii qorshaysnaa ee  kooxdu ka gaysan jireen Muqdisho ay yaraadeen.

Mudada aadka u gaaban ee taliyaha ciidanka booliska uu xilka hayay waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo deegaanada u dhow 23 dil, 18 kamid ah kooxihii ka danbeeyay waa lasoo qabtay, waxana sidoo kale la fashiliyay 11 howlgal oo kooxaha nabad-diidku doonayeen inay ku waxyeelaan Ummada Soomaaliyeed.

“Kaddib markii kooxaha argagixisada ah lagaga guuleystay dagaalladii foolka-foolka ahaa ee ay la galeen ciidamadeenna, waxay maciinsadeen inay ku dhex milmaan shacabka Soomaaliyeed, anagoo adeegsanayna khibradda aan u leenahay amniga waxaan samaynay howlgallo lagu bartilmaameedsaday baro cayiman oo cadowgu iska soo abaabuli jireen” ayuu yiri Jen. Maxamed.

“Awooddii Al-shabaab ku lahayd Muqdisho hadda waa soo dhammatay, waxana tusaale idin ku filan weerarkii ay todobaadkii hore ay ku qaadeen xarunta Hay’adda Nabadsugidda gobolka Banaadir sidii looga hortagay, loona fashiliyay” ayuu Taliyuhu intaasi ku daray .

Taliyaha ciidamadda booliska ayaa tilmaamay deegaanadii dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-shabaab in la geen doono ciidamo Boolis ah si ay gacan uga geystaan sugitaanka amniga shacabka ee uu cadowgu mudada dheer dhibaatada ku hayay.

Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa yiri “Hadafkayagu waa in nabad laga dhaliyo Soomaaliya sidoo kalena la cirib-tiro Al-Shabaab iyo Al-Qaacida. Tallaabada noogu muhiimsan waa inaan gaarno hadafkani, degmooyinkii iyo deegaanadii dhawaan la xoreeyay waxan u qorshaynay ciidamo ka tirsan booliska in aan gayno”

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaa howgal lagu soo qabtay kontomeeyo (50) isugu jira amniyaad iyo xubno sare oo Shabaab ka tirsan, waxaana si gaar ah loola socdaa abaabullada iyo qorshayaasha ay soo wadaan, iyadoo si buuxda wararka looga helayo dhumucda fog ee kooxaha Nabad-diidka, taasna waxay noo saamaxaysaa inaan mar walba la socono dhaq-dhaqaaqyada lagu waxyeelaynayo nafta dadkeena sharafta leh, isla markaana dib-u-dhac loogu ridayo dadaallada ay wado dowladdu ee la xiriira sugidda amniga dalkeenna”.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa sheegay in wadashaqayn buuxda ay kala dhaxayso ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo booliska  AMISOM, si isku mid ahna ay uga howlgal galaan qeybo ka mid ah gobollada dalka iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu danbeyn, Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya S/guuto Maxamed Sh. Xasan Ismaaciil ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka kala dhaxeeya hay’adaha ammaanka si looga guulaysto cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

“Haddii aan ku guuleeysanno inaan si wadajir ah u sugno ammaanka Muqdisho , waxaa xaqiiq ah inaan tusaale wanaagsan u noqon karno dadka gobollada kale ee dalka nool si ay noogu daydaan oo ay hal meel uga soo wada jeestaan al-Shabaab” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay S/guuto Maxamed Sh. Xasan Ismaaciil.