U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidamada Midowga Yurub Ee Somaaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayay Oo Gaaray Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi uu hogaaminayo taliyaha guud ee ciidanka Midowga Yurub ee Soomaaliya Jeneraal Patrick, iyo ciidamo gaar ah oo uu watay.

Taliyaha waxaa garoonka magaalada Baladweyne kusoo dhaweeyay saraakiisha ciidamada AMISOM, iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya.

War kooban oo kasoo baxay xafiiska AMISOM ee Qeybta Afaraad ee gobalada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa lagu sheegay in taliyahaan iyo wafdigiisa ay kulamo kala duwan la qaadan doono saraakiisha AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya iyo Jabuuti ee halkaasi ku sugan.

Waxaa la filayaa in kulankiisa uu soo gabagabeeyo saacadaha soo aadan, iyadoo socdaalkaan uu ku tagay magaalada Baladweyne ay tahay midkiisii ugu horeeyay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News