U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Badda Oo Ka Warbixiyay Dib U Habeyn Balaaran Oo Lagu Sameeyay Ciidanka Badda

Sheeko:Amniga

Taliyaha Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Admiral Cabbaas Amiin Cali ayaa ka warbixiyay dib u habeynta balaaran oo lagu sameeyay Ciidamada Badda.

Admiraal Cabbaas ayaa tilmaamay in labadii bil ee u dambeysay hoggaanka ciidanka badda oo kaashanaya taliska Ciidanka Xoogga ay sameeyeen qorshooyin muhiim ah oo lagu dardargalinayo shaqooyinka ciidanka badda.

“Anaga oo fulineyna masuuliyadda uu Madaxweynuhu noo igmaday iyo tilmaamaha na horyaala waxaan bilaawnay in aan dib u habeyn ballaaran ku sameyno ciidanka oo ay ka mid yihiin qalabeyn iyo tababarro”.

Taliyaha Ciidanka Badda ayaa sheegay in qalaneynta iyo dib habeynta ciidanka ay gacan ka geysanayaan qaar ka mid ah dowlaha taageera Soomaaliya. Waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in si deg deg ay u soo celin doonaa shqooyinkii looga bartay ciidanka Badda.

Ugu dambeyn Admiraal Cabbaas Amiin Cali ayaa adkeeyay in aan marnaba loo dul qaadan doonin cidkasta oo kusoo xadgudubta Biyaha Soomaaliya. Isagoo intaas ku daray in talisku uu fursad ay siinayo dhalinyarada Soomaaliyeed oo daneyneysa in ay kusoo biiraan Ciidanka Badda.

Goobjoog News