U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Booqday Safaaradda Dowladda Sucuudiga

Sheeko:Amniga

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa booqday Safaarada Dowlada Sacuudiga ee magaalada caasimadda ah ee  Muqdisho,

Taliyaha ayaa waxaaxarunta Safarada ku soo dhaweeyay Safiirka Dowlada Sacuudiga u fadhiya Muqdisho, Mudane. Danjire. Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Ujeedka Kulanka ayaa ahaa Sidii Safarada Sacuudiga ay uga qeybqaadan laheyd garab istaagga dhismaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyada oo Taliyuhu uga mahadceliyay safiirka soo dhaweynta diiran.

Dowladda Sucuudiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha sida dhow saaxiibka ula ah Soomaaliya, waxaana ay kawada hadleen labada dhinac xoojinta xiriirka iyo taageerada dowladda Sucuudiga ay siiso Soomaaliya.

Goobjoog News