U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Oo Kormeeray Xarumo Ciidan Oo Ku Yaalla Magaalada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa kormeer ku tagey xarumo ciidan iyo sidoo  kale qaar ka mid ah xarumaha waxbarashada ee ku yaalla magaaladaasi.

Taliyaha ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada Booliiska ee ku sugan magaalada Baydhabo, sidoo kale waxa uu kormeeray xabsiga dhexe ee magaaladaasi.

Ulajeedka safarkiisa Baydhabo ayuu ku sheegay taliyaha ka warqabka ciidamada Booliiska iyo kormeerka shaqooyinka ay hayaan.

Taliye Xaamud ayaa dhinaca kale waxa uu booqasho ku tagey iskuulka Gabdhaha ee Cabdalla Deerow halkaasi oo ay dhigtaan arday badan oo gabdho ah una badan kuwo dan yar.

Iskuulkaan waxaa dhigta in ka badan Kun gabdhood oo kasoo jeeda qoysas aan waxbo haysan, waxaana taliyaha uu bogaadiyey iskuulkaan oo uu sheegay in baahi badan oo waxbarashada ah uu daboolay.

Goobjoog News