U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Lugta iyo Midka 21-aad oo Ka Warbixiyey Weerarkii Galkacyo

Sheeko:Amniga

Taliyaha ciidamada lugta ah ee xoogga dalka Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ka warbixiyey weerarkii lagu qaaday habeenimadii xalay kolonyo ciidan ah oo hoggaaminayey gudaha magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Taliyaha oo la hadlaayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qaraxaasi uu wax ka soo gaaray ilaa 6 askari oo ka tirsanaa ciidankiisa, waxaana uu yiri” Markaan ka baxnay meel aan ku shireynay oo dad mas’uuliyiina aan kula shireynay, waxaana ay u dhawdahay hotelka Five Star ee magaalada Gaalkacyo ee Galmudug wax yar markaan dhaqaaqnay waxaa nagu soo booday gaari Zaruf ah markii uu nagu dhacay wuu qarxad Illaah waxna naguma gaarsiin ilaa 6 wiil ayaa dhawaac ka soo gaaray”

Sidoo kale Taliye Cabdi xamiid oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in ciidan adeegga ay bulshada ay ayaan aysan joojineyni qaraxada iyo weerarada ay la kulmaan kuwaas oo ay ka dhalato dhimasho iyo dhaawac soo gaara ciidamada waxaana uu yiri ” Waxaan dadkii ay ku argagiin jireen annagu manihin hadii ay 100 gaari soo ka xeeyaan dad u jixin jixaayo manihin waxa ay sheeganayaana dad tuuga ah oo dhuumaaleysanaya oo dadka shacabka ah qaraxa la soo aadaya maahee, annag wax ay noo dhibeen iyo wax ay nagaarsiiyeen majirto”

Dhanka kale Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdi Cabdullaahi Qooje oo isma arrinkan ka hadlay ayaa yiri ” Waxaan halkaan uga tacsiyaynaynaa dhammaanba ciidamada iyo Shacabka aan waxba galabsan ee cadawga nabaddiidka ah ku weerarey Magaalada Gaalkacyo”

Ugu danbeyn taliyaha ayaa baaq u diray shacabka waxaana uu yiri” Waa tusaale caddeynaya sida cadawgu u beegsanayo nolosha shacabka Soomaaliyeed, una diiddan yahay xasilloonida dalka iyo nolosha maatida aan waxba galabsan.” ayaa lagu yiri qoraalka”.

Goobjoog News