U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Uganda Oo Militariga Soomaalida Ka Dalbadey La Wareegidda Ammaanka Dalka

Sheeko:Dalka

General Edward Katumba Wamala oo ah taliyaha ciidamada melitariga ee Uganda  ayaa booqasho ku tagey magaalada Baraawe  ee gobolka Shabeellada hoose halkaas oo ka mid ah goobaha ay ciidamada Uganda iyo AMISOM saldhig ku leeyihiin.

General Katumba ayaa waxaa la sheegayaa inta uu halkaasi joogey in uu la kulmey hoggaanka ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida, isagoo kala Hadley qaabka ugu haboon ee lagu tayeyn karo ciidamada Soomaalida, isagoo ka dalbadey iney isku diyaariyaan sidii ay AMISOM ugala wareegi lahaayeen amniga dalka.

Dhinaca kale, Katumba Wamala waxaa uu la kulmey bulshada iyo dadka deegaanka Baraawe isagoo kala Hadley sida ay ula shaqeyn lahaayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida.

Taliyaha ciidamada Uganda waxaa booqashada ku wehliyay Taliyaha Howlgalka AMISOM Gen Osman Nur Soubagle,Saraakiil Soomaliyeed iyo kuwa Uganda halkaasi oo uu u kuurgalay xaaladda Ciidamadda Soomaliyeed iyo kuwa Uganda ee ka howlgala aagas.

Waa markii 2aad sanad gudahiisa ee taliyaha uu tago magaalada Baraawe, waxaa kaloo uu ciidanka kala hadley sidii ay u sugi lahaayeen amniga.

Goobjoog News