U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi Saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Saraakiisha ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage waxaa ka mid ah Taliyaha Dhowaan loo soo Magacaabey Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug Gen: Bishaar Abshir Geedi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad General Mascuud Maxamed Warsame .

Mudada uu taliyaha ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb wuxuu kormeer ku sameyn doonaa xeryaha Ciidamada,isagoo dhiiri gelin u sameyn doona cutubyo ciidamo ah oo loo carbiyay Howlgalo la filayo in dhowaan laga bilaabo Deegaannada Galmudug  ay kaga sugan yihiin  Al-shabaab  Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Goobjoog  News