U bood dhigaalka

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Oo u Digay Ciidanka Xasilinta Muqdisho

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, C/weli Jaamac Gorod ayaa ciidanka xasilinta Muqdisho uga digey iney si aan munaasab ahayn ula dhaqmaan ciidamada kale ee dowladda iyo saraakiisha.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada xasilinta laga doonayo in askariga markii ay istaajiyaan weydiiyaan aqoonsigiisa, la hadlaan taliyahiisa, hadii uu fasax watana lasii daayo.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in ciidamadan ay si xun ula dhaqamaan saraakiisha ciidamada ee lasoo baxa aqoonsigooda, haddii ay taas dhacdana dambi lagu qaadi doono askarigii sameeya.

“Ciidanka u xilsaaran xasilinta isaga waajib ayaa laga rabaa waajibka laga rabo waxay tahay, adiga oo fulineysa waajibaadkii qaran ee haaa xasilinta ayaa hadana waxa laga rabaa inaad ixtiraanto saaxiibkaaga kale oo adiga kugu jaalka ah ee aan dhibaatada wadin oo aad weydiiso si deggan, xanaaq lahayn, xabad lahayn, canaan lahayd, caddeymihiisa iyo meesha uu ka tirsan yahay, haddii uu fasax haysto waad sii deyneysaa, ciidanku wuxuu leeyahay saraakiil, saraakiil xigeen iyo askar, nin Janan ah hadii uu kuula soo baxo teesarihiisa oo ku dhaho waa ikanaa aniga kuma aqaan suurtagal ma ahan, ninkii galana dambi ayuu qaadanayaa” ayuu yiri taliyaha.

Ciidamada xasilinta caasimadda ayaa holwgallo amni sugid ah waxay ka wadaan magaalada Muqdisho, waxaana maalmihii ugu dambeeyay aad ula dagaallameeyn ragga hubeysan ee aan wadan aqoonsiga ciidanka.

Goobjoog News