U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Booqday Baydhabo

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada millateriga dowladda federaalka Jeneraal Maxamed Aadan Axmed(Buud) ayaa maanta safar gaaban ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Taliyaha safarkiisan waxaa ku wehlinayay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan safaaradda Ingariiska ee Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo waxaa ku soo dhoweeyay taliska qeybta 60-aad ee ciidanka dowladda iyo saraakiil kale oo maamulka Koonfur Galbeed ka tirsan.

Taliyaha ciidamada millateriga dowladda federaalka Jeneraal Maxamed Aadan Axmed ayaa kormeeray xerada 60-aad ee ciidanka dowladda halkaasoo uu xarigga ka jaray dhisme loogu tala galay ciidamada tababarka qaadanaya.

Wuxuu ballan qaaday in ciidanku heli doono dhaqaale iyo derajo intaba isagoo kula dardaarmay inay waajibaadkooda u gutaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka laga doonayo inay laba jibbaaraan howlgallada ay ka wadaan gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.

Dhanka kale, taliyaha ciidanka millateriga ee qeybta 60-aad Jeneraal Ibraahim Yarow ayaa sheegay in markii taliska ciidanka ugu sarreeya uu soo booqdo uu geliyo kaliya qarashaadka marti qaadkooda hase yeeshee aan la arag ballan qaadyada ay sameeyaan iyagoo fuliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Maxamed Aadan Axmed iyo xubnihii la socday ayaa isla maantaba dib uga soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Goobjoog News