U bood dhigaalka

Taliyaha Cusub Ee AMISOM Oo Shaqadiisa Si Rasmi Ah Ula Wareegay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta xafiiska si rasmi ah ula wareegay Taliyaha cusub ee AMISOM Lt. General Cusman Noor Soubagleh, isagoo badalay General Jonathan Rono.
Ambassador Francisco Caetano Madeira oo ah ninka Midowga Afrika u fadhiya dalka oo la kulmay ayaa u sheegay Cusmaan in dalka uu ku sugan yahay xaalad adag.
Caetano Madeira waxaa uu inta araaciyay in doorashada 2016-ka ay tahay in ahmiyadda koobaad la siiyo.
Lt. General Soubagleh waxaa uu heystaa khibrad, isagoo horay uga soo shaqeeyay AMISOM Chief of Military Staff intii u dhaxeysay 2012-2013kii.

Goobjoog News