U bood dhigaalka

Taliyaha AMISOM oo ciidamada Kenya iyo Jubbaland La Kulmay

Sheeko:Amniga

Taliyaha guud ee ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom Gen. Tigabu Yilma iyo wafdi saraakiil ah uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobalka Jubada hoose ee Jubbaland.

Taliyaha iyo wafdigii uu hogaaminaayey ayaa waxaa magaalada ku soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Kenya oo qeybta ah ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ee ku sugan gudaha Soomaaliya .

Sidoo kale Taliye Tigabu Yilma ayaa booqday saldhigyada ciidama nabad ilaalinta Amisom ay ku leeyihiin degmada Afmadow, waxaana uu la kulmay saraakiisha ciidamada ee dalka Kenya isaga oo kala hadlay arrima badan oo dhanka amniga ee degmada iyo guud ahaan gobalka.

Dhanaka kale saraakiisha ku sugan Afmadow ayaa taliyaha warbixin xaaladda guud iyo mida amni ee degmada iyo guud ahaan gobalka Jubbada hoose oo deegaanna dhowra ay ka joogaan ciidamada wadanka Kenya kuwaas oo taageero siiya kuwa Jubbaland.

Ugu dambeyn Taliyaha guud ee ciidamada midowga Afrika ee amiso Gen. Tigabu Yilma iyo saraakiisha ciidamada dalka Kenya iyo ku dowlad gobaleedka Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow ee gobalka Jubada hoose ayaa kawada hadlay sidii loo qaadi lahaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo deegaanno badan oo Jubbaland ah ku sugan.

Goobjoog News