U bood dhigaalka

Taliyaha Guud Ee Ciidamada Talyaaniga Oo Laga Helay Caabuqa Coronavirus

Sheeko:Caalamka

Wararka ka imaanaanaya dalka Talyaaniga ayaa waxa ay ku waramayaan in taliyihii guud ee ciidamada dalkaasi laga helay caabuqa Coronavirus oo ku sii fidiya dalkaasi.

Taliyahan oo lagu magacaabo Salvatore Farina ayaa sheegay in haatan xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan balse isagu nafahaantiisu uu iskaraantiilay si dad kale uusan saameyn ugu yeelan.

Saraakiisha caafimaadka ee dalka Talyaaniga ayaa laga soo xigtay in ay sare u kacday tirade dadka uu soo ritay caabuqan waxa ayna sheegeen ilaa iyo 133 qof in uu soo ritay.

Waxaa dalka Talyaaniga ka socdaa dadaallo lagu xakeymanayo Corona, Ra’iisul wasaare Giuseppe Conte wuxuu ku dhaawaqay in la xirayo Iskuulada iyo goobaha kale ay dadka isugu yimaadaan guud ahaan dalka.

Talyaaniga ayaa ah meesha ugu badan ee uu saameeyay Corona marka laga soo tego Shiinaha, waxay ku dhaw yihiin dadka uu ku dhacay ilaa 7,400 qof.

Goobjoog News