U bood dhigaalka

Taliyahada Booliiska Puntland Oo Ka Hadlay Sababtii Shaqada Looga Joojiyey

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada Booliiska maamulka Puntland  C/Qaadir Shire Faarax (Ereg), oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, ayaa ka hadlay shaqo joojintii lagu sameeyay.

Taliyaha ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu lasoo hadlay kahor inta aan shaqada laga joojin, isaga oo weydiinayey waxa uu ka ogyahay 12 arday oo laga sii daayey saldhigga Garoowe, uuna sii daayay taliyaha qeybta.

Waxa uu tilmaamay in uu u sheegay in ardaydaas si sharci ah lagu sii daayey, laguna soo wargeliyey kahor inta aan la deyn.

Madaxweyne ku xigeenka ayuu tilmaamay inuu ku amray in shaqo joojin uu ku sameeyo taliyahii ardayda sii daayey, balse wuxuu tilmaamay inuu u sheegay in haddii shaqo joojin tahay uu ammarkaasi warqad kusoo saaro, laakiin uu madaxweyne ku xigeenka sheegay in haddii aanu taasi sameyn in warqad kusoo saari doono shaqad in isaga shaqada laga joojiyo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan rabaa inaaan ka bixiyo faallo yar..shalayto 8-da subaxnimo anoo xafiiskayga fadhiya waxaa isoo wacay madaxweyne ku xigeenka, wuxuu i weydiiyay inaan ka warqabo kiiska 12 arday oo laga sii daayey saldhigga dhexe ee Garowe, waxaan ugu jawaabay Haa madaxweyne waan la socdaa taliyaha qeybta ayaa sii daayey, wuuna ii sheegay, wuxuuna kusii daayey si sharciga waafaqsan, wuxuu i amray inaan shaqada ka joojiyo taliyaha qeybta illaa ammar dambe inta laga baarayo kiiskaasi, waxaan ka codsaday madaxweyne ku xigeenka ammar qoraal ah inuu keeno, kadibna wuxuu yiri waxaan bixinayaa ammar afka ah, kumana joojin karo, muwaadin mas’uuliyad haya oo shaqadiisa gudanaya oo hadana shaqo qaran u diray xaq uma lahan in shaqada af looga joojiyo, waxaana iri adiga madaxweyne ayaad tahay haddii aad ka joojineyso warqad qoraal ah keen, wuxuuna i yiri waxaan soo saarayaa midda aan adiga kaaga joojinayo” ayuu yiri taliyaha.

Madaxweyne ku xigeenka, warqaddii uu shaqada kaga joojiyey taliyaha Booliiska Puntland kuma uusan caddeyn wax sabab ah.

Goobjoog News