U bood dhigaalka

Taliyahii Ciidanka Booliiska Luuq Ee Gedo Oo La Xiray

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo degmooyinka Luuq iyo Dolow waxay sheegayaan in shalay Ciidamada Amaanka degmada Dolow in ay xabsiga dhigeen Diyaad Cabdi Kaliil oo ahaa Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Luuq.

Warar laga soo xigtey Ilo madaxbannaan oo ku sugan degmada Doolow ayaa sheegaya amarka lagu soo xirey Diyaad inuu bixiyey Cabdirashiid Janan oo ah Wasiirka Amniga Jubbalad oo isagu shalay gaaray degmada Doolow iyo Saraakiisha Itoobiya ee ku sugan Dolow.

Diyaad ayaa waxaa uu ka mid ahaa xubnahii la socday wafdiga Wasiirka ee ka tagay shalay degmada Luuq.

Ilaa iyo iminka lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa Xarigga Taliyaha Booliska degmada Luuq, balse mas’uuliyiin ka gaabsadey magacooda ayaa warbaahinta u xaqiijiyey talaabadani in ay qeyb ka tahay qorshe Wasiirka iyo Saraakiisha Ethopia ay meesha kaga saarayaan saraakiishii horey dowladda federaalka ugu magacowday deegaanno kamid ah Gedo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News