U bood dhigaalka

Taliyahii Ciidanka Booliiska Sh/dhexe Oo Ku Geeriyoodey Qarax Ka Dhacay Jowhar

Sheeko:Dalka

Qarax Bam oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, waxaa ku geeriyoodey taliyahii ciidanka Booliiska Sh/dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye.

Bambkaan ayaa lagu tuurey xarunta taliska ciidanka ee Jowhar, waxaana halkaasi ku sugnaa taliyaha dhintey iyo sidoo kale ciidamo kale oo isaga ilaalinaya.

Qaraxan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Saddex kamid ah ciidamada Booliiska ee ilaalada u ahaa taliyaha, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha booliiska Jowhar Maxamed Siyaad Cali.

Waxaa goobta ka baxsaday dadkii ka dambeeyey qaraxaasi Bam, iyadoo ciidamada dowladda ay howlgllo ka wadaan degmada Jowhar ee Shabellaha Dhexe.

Taliyaha dhintey ayaa dhaawac ahaan loogula cararay Isbitaal ku yaalla degmada Jowhar, hase ahaatee waa uu dhintey.

Goobjoog News