U bood dhigaalka

Taliyahii Ciidanka Ilaalada Garoonka Boosaaso Oo La Dilay

Sheeko:Dalka

Taliyahii ciidanka Ilaalada garoonka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Korneel Xasan Shire Amaan ayaa maanta lagu dilay gudaha garoonkaasi.

Askari la sheegay in uu ka mid ahaa ciidanka ilaalada garoonkaasi, islamarkaana shaqada laga ruqseeyay ayaa dilkaasi ka dambeeyay.

Marxuumka ayaa lagu dilay Koontaroolka Koowaad ee garoonka Boosaaso, halkaasi oo howlo shaqo ay ka socotay.

Taliyaha Booliiska gobalka Bari C/xakiin Yuusuf oo saxaafadda kula hadlay Boosaaso ayaa xaqiijiyay inuu baxsday shaqsigii dilka ka dambeeyay, islamarkaana ay ku raadjoogaan.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in marxuumka hadda Meydkiisa uu yaallo Isbitaalka Boosaaso, islamarkaana ciidamada Booliiska Puntland ku dadaalayaan inay soo qabtaan gacan ku dhiiglaha.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News