U bood dhigaalka

Taliyahii Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Oo Geeriyoodey

Sheeko:Dalka

Taliyahii ciidanka ilaalada waddooyinka Cali Maxamuud Cali ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa uu ku dhintey magaalada Muqdisho.

Ehlada Marxuumka ayaa xaqiijiyey in maalmahan dambe uu xanuunsanaa, islamarkaana uu ku dhintey hoygiisa.

Wararku waxay sheegayaan in taliye Cali dhowaan dib uga soo laabtay dalka India oo uu u aaday arrimo caafimaad.

Maalmihii ugu dambeeyay ee uu ku sugnaa magaalada Muqdisho xaaladiisa aad bay u liidatay, ugu dambeynna xalay ayuu dhintay.

Allha u naxariistee Taliye Cali ayaa howlo badan usoo qabtay dalka, iyadoo xilkaan uu Labo jeer soo qabtay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News