U bood dhigaalka

Taliyahii ciidamada Asluubta ee magaalada Marka oo la dilay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Rag hubaysan ayaa xalay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen taliyahii ciidamada Asluubta  ee magaaladaasi.

Taliyaha ayaa marayay bartamaha magaalada Marka, waxaana soo weeraray rag hubaysan, ka dibna rasaas ay ku fureen uu u geeriyooday.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan magaaladaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in goobta ay ka baxsadeen ragii dilkaasi ka dambeeyay, iyadoo xaaladda ay is bedashay dilka ka dib.

Ciidamada dowladda oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxay bilaabeen howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii dilkaasi ka dambeeyay, waxay soo qabteen dad halkaasi ka dhawaa.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News