U bood dhigaalka

Taliyahii NISA Ee Gobolka Banaadir Oo Xilka Laga Qaaday

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta xilkii si rasmi ah looga qaaday taliyahii ciidanka NISA ee gobolka Banaadir Maxamed Xasan Faarax, iyadoo xilkaasi loo magacaabay mas’uul cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilkaan u magacaabay Saadaq Cumar Xasan oo mar ahaa taliyahii ciidanka Nabad sugidda Galmudug.

Magacaabista taliyahan cusub ayaa qeyb ka ah isbedalka ay dowladda Federaalka ku waddo laamaha ammaanka, iyadoo  horey xilalka looga qaaday taliyeyaal dhowr ah.

Magacaabista taliyahan cusub ayaa la sheegay iney timid kadib markii uu arrintaan soo jeediyey Taliyaha NISA C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Goobjoog News