U bood dhigaalka

Taliye Cali Gaab oo Markii 2-aad Ka Badbaaday Qarax Miino

Sheeko:Amniga

Warar kala duwan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan qarax maanta lala eegtay taliyaha caafimaadka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed  General Cali  Barre Xirsi Cali Gaab, waana markii 2-aab muddo todobaad ah oo ay sidaasi dhacdo.

Taliyaha ayaa gaari uu la socday waxaa loo dhigay qarax Miino kaas oo la geliyey wadada xaafadda Afisyooni degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana jiro khasaare ka dhashay qaraxa.

Inta la xaqiijiyey qaraxa ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray labo qof oo shacab ah kuwaas ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen, wararka ayaana intaas ku darayo in labada ruuux mid ah ay tahay Haweeney.

Qaraxa lala eegtay taliye Cali Barre Xirsi Gaab Cali Gaab ayaa waxaa uu noqonayaa qaraxii labaad oo muddo asbuuca lala beegsado, lakiin uu ka badbaaday, iyadoo ay xusid mudan tahay  20 bisha xili uu marayey degmada Hodon waxaana waxyeelo ka soo gaartay askar la socotay.

Goobjoog News