U bood dhigaalka

Taliye Ciidan Oo Ku Geeriyoodey Dagaal Ka Dhacay Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in uu geeriyoodey taliyahii ciidamada dowladda ee deegaanka Yurkud oo ka tirsan gobolka Gedo kadib dagaal ka dhan deegaan ku dhow degmada Luuq.

Taliyaha ayaa lagu magacaabayey Xasan Luuq waxaana isaga iyo ciidan la socday oo kasoo amba baxay deegaanka Yurkud kuna soo dhowaa degmada Luuq  jidka u galay dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado socday.

Taliyaha saldhigga Booliiska degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil ayaa u sheegay Goobjoog News in halkaasi uu ku dhintay Taliyaha degmada Yurkud iyo sidoo kale mid kamid ah ilaaladiisa.

“Nimankii Nabad diidka ahaa ayaa jidka u galay Taliyaha Yurkud oo kusoo wajahnaa degmada Luuq, isaga iyo mid kamid ah ciidankii la socday baa halkaasi ku dhintey, ciidamada dowladda ayaana gurmad u sameeyey oo ka caabiyey nimankii ay la dagaallamayeen” ayuu yiri Taliye Diyaad.

Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxay jidka ugu galeen saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News