U bood dhigaalka

Taliye Cirfiid Oo Kormeeray Bariire, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa maanta kormeer ku tagay degmada Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo maalmahan dambe ay weeraro xooggan ka geysteen dagaalyahannada Al-shabaab.

Ulajeedka uu taliye Cirfiid u tagay Bariire ayaa lagu sheegay iney tahay sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaaladda ciidamada xoogga dalka ee ku sugan deegaankaasi iyo inuu kala hadlo arrimo ammaanka quseeya.

Taliyaha oo ka lahadlay ciidanka ku sugan Bariire ayaa sheegay in la qaadi doono howlgal saf ballaaaran ah oo dalka looga saarayo Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer waxay weerar khasaare geystay ay ka fuliyeen deegaanka Bariire oo ay ku sugan yihiin ciidanka xooggha dalka Soomaaliyeed.

Goobjoog News