U bood dhigaalka

Taliye Cusub iyo Ku Xigeenkiisa oo Loo Magaacabay Ciidamadda Xoogga Dalka

Sheeko:Dalka

Kulankii todobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada ayaa maanta lagu magacaabay taliye cusub iyo ku xigeenkiisa kadib markii mas’uuliyiintii xilkaasi horey u hayay laga qaaday.

Taliyaha cusub ee ciidanka C.X.D ayaa loo magacaabay Janaral Maxamed Aadan Axmed, halka ku xigeenkiisa loo magacaabay Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale, soo jeediyay in loo dalacsiiyo Taliyaha cusub ee C.X.D. Mudane Maxamed Aadan Axmad darada Sareeye Gaas, maadama uu yahay shaqsitakhasus weyn u leh howlaha Ciidamada, ugana soobaxay kulliyado kala duwan oo dalka dibeddiisa ah.

Taliyaha cusub ee ciidanka C.X.D Janaral Maxamed Aadan Axmad ayaa waxbrashadiisii ciidanimo ku soo qaatay kulliyadda Ciidanka ee Masar, kulliyada hogaaminta ciidanka ee Ruushka, Muskow, kulliyada dagaalka ee dalka Mareykanka, isaga oo sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan oo ciidamada ah, wuxuuna ahaa Taliye qeybta Baladweyne, Taliyaha qeybta ciidanka 60-naad Baydhabo, taliyaha qeybta 21-naad ee Dhuusamareeb.

Goobjoog News