U bood dhigaalka

Taliye Cusub Oo Loo Magacaabay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulankooda Khamiislaha ahaa Maanta ku yeeshay Magaaladda Muqdisho ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u magacaabay Janaraal Cabdi Jaamac Warsame oo ku magac dheer Gen (Gorod).

Arrintan ayaa timid kadib markii uu  is casilay Taliyihii Ciidankaasi Sarreeye Gaas Axmed Jimcaale Geeddi (Cirfiid) oo jagadan loo magacaabay April 6, 2017.

Lama oga sababta, Laakin wixii ku soo kordha, kala soco, Goobjoog News