U bood dhigaalka

Taliye Fahad Yaasiin Oo Badalay Hoggaankii NISA Ee Banaadir

Sheeko:Amniga

Taliyaha hey’adda nabd sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta waxaa uu xil kaqadis ku samayey taliyihii nabad sugidda gobalka Banaadir, isaga oo macaabay taliye cusub oo meel gaar ah

War qaraal ah oo uu soo saaray taliye Fahad ayaa xilkii looga qaaday Ibraahim Macalin, waxaana lagu magacaabay Ciise Maxamed Ciise.

Taliska hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ma faah faahin sababta keentay in xilka ka qaadis lagu sameeyo talihii NISA ee gobaka Banaadir iyo magaacabista cusub.

Goobjoog News