U bood dhigaalka

Taliye Gorod “Dowladda Soomaaliya Ayaa Dhabarka u Ridaneysa Xuquuqda Ciidanka Xoogga Dalka”

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, C/weli Jaamac Gorod ayaa ka hadlay hadal Maraykanka kasoo yeeray oo ah in la musuqay qarashaad uu siin jirey ciidanka xoogga dalka, sidaasi darteedna jaranayo.

Wuxuu taliyaha sheegay in isaga shaqsi ahaan aanu la socon wax la musuqay maadaama dhowaan xilkaasi loo magacaabay, haddii wax jiraanna ay tahay wax isaga ka horreeyay.

Wuxuu tilmaamay Taliye Gorod in dowladda Federaalka ay dhabarka saran doonto xuquuqda ciidanka xoogga dalka, maadaama markii horeba ciidankaasi ay dowladda qoratay.

Sidoo kale wuxuu sheegay taliyaha in ka talis ahaan ay diyaar u yihiin iney ka hortagaan wax walbo oo musuq ah ama keeni kara.

“Iney goosteen waan ogahay, laakiin in musuq dhacay ama iskood u goosteen ma ogin, aniga waxaan ballanqaadayaa inaanu dhicin waxaas iyo wax kaleba, wax walbana meeshii loogu talogalay iney maraan ayuu qorshaheena yahay..annaga ayaa isku tashaneyna dowladda Soomaaliya ayaa ciidankaasi qorotay xabadka ayeeyna u dhiganeysaa, wax dhibaato ah oo imaanaya ma jirto” ayuu yiri taliyaha.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna mar uu ka hadlay hadalka kasoo yeeray dowladda Maraykanka wuxuu sheegay  inuu ahaa is faham dhexmaray Labada dowladood.

Goobjoog News