U bood dhigaalka

Dhageyso: Taliye Hore NISA “Villa Somalia Waxay Fursad Siisay Alshabaab”

Sheeko:Amniga

Taliye ku xegeenkii Nabad  sugidda Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cismaan oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in xilligan aysan sax aheyn in qal-qal iyo kala shaki laga dhex abuuro taliska Nabad Sugidda, waxaana uu tilmaamay in tallaabadaasi ay fursad siinayso Alshabaab.

‘’isqab-qabsigani waa midka kaliya ee xagal daacinaya nidaamka sir doonka Soomaaliya maadaama dhexdoodii ay isku noqdeen hogaanka nabad sugiddda,  waana muhiim in la helo istaraatiijiyad Ammaanka lagula socdo’’ sidaas waxaa yiri Ismaaciil Daahir Cismaan taliye ku xegeenkii nabad sugidda Soomaaliya.

Dhanka  kale taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sheegay in Soomaaliya aanay xilligaan u diyaarsaneyn iney isaga baxaan ciidamada AMISOM.

Ismaaciil Daahir Cismaan ayaa u sheegay Goobjoog  in weli aanay jirin ciidan Soomaaliyeed oo u diyaar ah iney la wareegaan ammaanka dalka

‘’AMISOM  way sii joogaysaa waayo markaad fiiriso qariiradda laga sameeyey Febraayo 2017 inta meelood ee Alshabaab ay joogeen iyo hadda Xaalku sida uu yahay farqi weyn ayaa u dhexeeya, beesha Caalamku kuma kalsoona in Ciidamada Soomaaliya hada lagu haleeyo Ammaanka wadankooda’’  sidaas waxaa yiri Ismaaciil Daahir Cismaan taliye ku xegeenkii nabad sugidda Soomaaliya.

Warka Taliye ku xegeenkii Nabad  sugidda Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cismaan waxa uu imaanaya xilli dowladda Ingiriiska ay dalbatay in la kordhiyo dhaqaalaha la siiyo Ciidamadda AMISOM si ay u sii joogaan wadanka oo ay u gacan siiyaan Dowladda Federalka.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Dhan:

Goobjoog News