U bood dhigaalka

Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Taliye ku xigeenka ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland, Dayr Xaaji Cabdi ayaa warqad uu isku casilayo u gudbiyey madaxweynaha maamulkaasi C/weli Maxamed Cali Gaas.

Taliyaha ma uusan sheegin taliyaha sababta keentay inuu xilkaasi ka tago, balse waxa uu haatan sugayaa jawaabta Gaas.

Taliyahan is cisalay ayaa marar badan cabasho ka muujiyey mushaar la’an heyso ciidamada daraawiishta, gaar ahaan kuwa ku sugan xerada 54-aad.

Ciidamada Puntland ayaa marar badan cabasho xooggan ka muujiyey mushaar la’aan soo wajahday, qaarkoodna arrintasi darteed ayeey gadood u sameeyeen.

Goobjoog News