U bood dhigaalka

Taliye Sanbaloolshe “Cid Loogu Dulqaadanayo Inuu Qashqashaado Howlaha Amniga Ma Jirto”

Sheeko:Dalka

Taliyaha NISA C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in la xoojin doono howlgallada ay ciidamada xilinta ka wadaan magaalada Muqdisho.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in aanu jiri doonin cid looga gamban doono in la sugo amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in howlgallada hadda socda ay yihiin bilow, balse ay xooggeysan doonaan.

Marka howl bilaabato is qabqabsi iyo iska horimaad waa ay jiri doonaan, laakiinse waxaa lagaa rabaa in si deggan oo xikmad ku jiro oo walalnimo, Soomaalinimo leh oo la is fahmayo looga gudbo, dabcan intaan howlaha ku jirnay caqabado ayaa yimid, kuwaasi ayaana keenay inaan meeshaan imanno, qof ha weynaado ama ha yarado oo loogu dulqaadanayo inuu qash qashaado howlaha amniga ma jirto, qof ku gamban karta magaca ciidan, magac amni ma jirto, ammarkaasi waa ammarka ay bixiyeen guddiga amniga iyo golaha wasiirada, waxaan rabnaa si magaaladan iyo waddanka oo dhan nabad u noqdo in ciidankaan lala shaqeeyo, howlaha socda waa bilow, si xoog badan ayeey u bilaaban doonaan oo micnaheedu yahay inaan meel iyo qof loo tureyn in ammaanka la sugo” ayuu yiri Taliyaha.

Ugu dambeyn taliye Sanbaloolshe ayaa ku baaqay in lala shaqeeyo ciidamada xasilinta caasimadda, so loo helo nabad iyo nolol.

Ciidamada dowladda ayaa magaalada Muqdisho waxay ka wadaan howlgal loogu magac daray xasilinta caasimadda, waxaana lagu dhigayaa hubka.

Goobjoog News