U bood dhigaalka

Taliye Xaamud: Dhallinyarada Waa Kuwa Kaliya Ee Dalka Badbaadin Kara

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa kormeer ku tagey xarumaha ciidamada Booliiska ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Taliyaha oo ay wehlinayaan taliyeyaasha Booliiska Jubbaland iyo kan magaaalada Kismaayo ayaa ugu horreyn tagey Xerada Tababarka ciidamada Booliiska Jubbaland oo tababar uga socdo ciidamo aad u badan.

Waxa uu halkaasi warbixin kaga dhageystay saraakiisha tababarka siineysa ciidankaan kuwaasi oo sheegay in hadda ciidankaan Booliiska ah ee la tababarayo dhammaantood yihiin dhallinyaro aqoonyahanno ah si loo helo Booliis si wanaagsan ula shaqeeya shacabka.

Taliye Xaamud oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku baaaqay in dhallinyarada loo badiyo ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in dhallinyarada ay yihiin kuwa kaliya ee maanta dhibaatada dalka ka saari kara.

“Dhallinyarada maanta waa kuwa dalka badbaadin kara, maamulka waxaan ugu baaqayaa in tababarada u badiyaan dhallinyarada, waayo dalkaan dhallinyarada ayuu u baahan yahay waliba kuwa aqoonta leh” ayuu yiri Taliyaha.

Ugu dambeyn Taliye Xaamud ayaa kormeeray Saldhigga dhexe ee Booliiska Kismaayo, fariisimada kala duwan ee ciidamada Booliiska ku dhex leeyihiin magaaladaasi iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Goobjoog News