U bood dhigaalka

Taliyeyaal Iyo Askar Badan Oo Loo Xiray Weerarkii Senator Cabdi Qeybdiid

Sheeko:Dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo loo xil saaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday Hoyga sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 40-Askari oo  ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday Guriga Sanatar Cabdi Qeybdiid.

Sida ay qortay SONNA, Taliyaha ayaa sidoo kale xabsiga dhigay laba sargaal oo kale oo iyana arintaasi lala xiriirinayo, waxaana sidoo kale jira baaritaano ku soconaya saraakiil kale oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen weerarkii maanta lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii falkaasi uu dhacay ku amray durbadiiba taliyaha ciidanka Xoogga Dalka in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo cidii weerarkaasi ka dambeysay, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Goobjoog News