U bood dhigaalka

Taliyeyaasha Ciidamada Milatariga Dalalka Bariga Afrika Oo Ku Shira Uganda

Sheeko:Dalka

Taliyeyaasha ciidamada wadamada Bariga Afrika ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah uu shir uga furmo magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaana shirkaasi looga hadlayaa arrimo badan oo amniga ku saabsan.

Shirkaan ayaa mudada uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa amniga guud ee gobolka, xasilinta dalalka bariga Afrika qaarkood ee ay amni darada ka jirta.

Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa iney shirkaasi qeyb ka noqdaan, waxaana arrimaha amni ee laga hadlayo qeyb ka ah tan Soomaaaliya.

Kulanka ay taliyeyaasha Milatariga dalalka Bariga Afrika ku yeelanayaan magaalada Kampala ayaa horudhac waxa uu u yahay shir isla Todobaadkan magaaladaasi ku yeelan doonaan wasiirada difaaca ee dalalkaasi.

Taliyeyaasha maanta kulanka leh waxay ka kala socdaan dalalka kala ah Djibouti, Kenya, Ethiopia, Burundi, Rwanda, Sudan, Uganda, Comoros iyo Seychelles

Goobjoog News